Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

AMISOM oo dad shacab ah ku dishay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qarax miino ah lagula eegtay agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla wadada u dhaxeysa Isgoyska Fagax iyo xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya, in ciidamada qaraxa lala eegtay ay sahay u wadeen Ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM oo ku sugan degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir, waxaana qaraxa kadib ay ciidamada fureen rasaas farabadan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamada AMISOM ay ku geeriyoodeen wade Gaari Dameer, Haweeneey ay rasaasta ugu tagtay Hooygeeda, halka ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo kale oo Shacab ahaa.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kaddib muddo saacado ah oo wadada u xirneyd ay iska sii wateen socdaalkooda, waxaana weli la xaqiijin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray qaraxa.

Maalmihiii la soo dhaafay, ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda waxay marin u aheyd wadada jaayga ah ee agmarta Masjidka Turkiga ee ee Xaafada Jamhuuriya, maadaama Biyo farabadan xireen wadada laamiga ah ee marta Isgoyska Fagax.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...