Thursday, June 18, 2026
25.7 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib oo Hargeysa ku geeriyooday

Hargeysa (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Carte Qaalib ayaa Arbacadii maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee Somaliland, halkaasi oo uu muddo ku xanuunsanaa.

Marxuum Cumar Carte Qaalib ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa, sida uu xaqiijiyey duqa magaaladaasi, Cabdiraxmaan Maxamuud Soltelco.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, marxuum Cumar Carte Qaalib ayaa wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu magaca dheeraa ee soo maray Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Cumar Carte Qaalib ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre uu madaxda ka ahaa iyo dowladii Cali Mahdi uu Madaxweynaha kumeel gaarka ahaa.

Kadib markii ay dhacday dawladii Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa mar kale Madaxweynihii la magacaabay ee Cali Mahdi Maxamed uu isla Cumar Carte mar kale u magacaabay Ra’iisul Wasaare inuu noqdo.

Allaha u naxariisto, Cumar Carte Qaalib intaas wixii ka dambeeyey waxa uu ka fariistay siyaasadda isagoo inta badan ku sugnaa Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...