Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

DF Somaliya oo ku eedeysay Kenya inay colaad ka hurineyso Gedo

Gedo (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi oo kormeer ku sameeyey fariisimaha ciidanka xoogga ee duleedka degmada Beled-xaawo ayaa mar kale dowladda Kenya ku eedeeyey in ay colaad ka hurineyso gobolka Gedo.

Taliyaha waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay maleeshiyaad ku aruurineyso duleedka Beledxaawo ee Gobolka Gedo, iyaga oo doonaya inay carqaladeeyaan amniga kajira Gobolkaas.

Sidoo kale, taliyaha ayaa waxaa uu ku eedeyay Guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee ka tirsan IGAD ee dhawaan gudbiyay Warbixinta inay iska indha-tireen xaaladaha kajira Gobolka Gedo, waxaana uu sheegay in Warbixintaas ay tahay mid Madaxweynaha Jabuuti uu ku doonayo in uu ku dheereesto xukunka.

“ Waxaa ayaan darro ah maanta waxa cad oo meeshaan ka muuqda in ciidankii Siliga kasoo gudbay oo madaafiicda soo ridaya oo Xerada ciidanka Kenya ku dhex-jira in Madaxweynaha Jabuuti u yiraahdo Soomaaliya ayaa gardaran, Shacabka Soomaaliyeed  u sheegaya in Shacabka Jabuuti ay yihiin Walaalaheen raali kama ahana waxa lagu hadalay waxaa ay khaas ku tahay siyaasadda Ismaaciil Cumar Geelle uu ku dherer sananayo xukunka‘‘ ayuu yiri Taliyaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...