Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Amb. James Swan oo maanta gaaray Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Wafdi uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Amb. James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland, iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay James Swan, waxaana uu haatan kulan la leeyahay Madaxweyne kuixeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen taageerada ay Hay’adaha Qaramada midoobay siiyaan Dowlad Goboleedka Jubaland iyo xaalada guud ee dalka.

Arrimaha ugu muhiimsan ee Madaxweynaha Jubbaland iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan ay ka wada hadlayaan ayaa waxaa uu yahay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka Soomaaliya oo aan weli laga heshiin.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Amb. James Swan ayaa horay u tegay Magaalooyinka Dhuusamareeb, Garoowe iyo Jowhar, isaga oo la kulmay Madaxweynayaasha saddexda dowlad Goboleed, isaga oo kala hadlay arrimaha doorashooyinka.

Amb. James Swan ayaa kamid ahaa Wakiilada Beesha Caalamka ee shalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo, taas oo keentay in Madaxweynaha uu shir isugu yeero Madaxda dowlad Goboleedyada si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com