Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Jubbaland oo soo dhaweysay Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Kismaayo (Halqaran.com) – Maamulka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay shirkii uu xalay iclaamiyay in uu Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada uga furmayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoona sheegay inay ka qeyb-galayaan

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in markii hore Puntland iyo jubbaland ay dalbadeen in shirkaasi la qabto, welina ay diyaar u yihiin qabsoomida shirka u dhaxeeya madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale Wasiirka oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu muddo badan ka caga jiidayay in uu shirkaasi dhaco, isla markaana waqtigii loogu talo galay uu kasoo dib dhacay, hayeeshee ay dhankooda shirka ka qeyb-galayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kadib kulan uu Madaxtooyada kula qaatay wakiilada Beesha Caalamka waxaa uu ku dhawaaqay shir ka furmaya Maalinta Berito ah Magaalada dhuusamareeb, kaas oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada loogana hadlaya xalka gaarista khilaafka doorashooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...