Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay shirkii uu isugu yeeray madaxweyne Farmaajo madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaasi looga hadlayo muranka hareeyay doorashada dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, waxana loogu baaqay Madaxda Soomaaliya inay heshiis iyo tanaasul gaaraan.

“ Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee  17-kii Sebtember‘‘ ayaa lagu yiri qoraalka.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa horay waxaa loogu qabtay shirar looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, in kastoo aan la dhaqan gelin qodobadii lagu heshiiyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...