Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

DF Somaliya oo Digniin culus ka soo saartay Fatahaadda Wabiga Shabeelle

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka XF Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xiriirta fatahaada xoogan oo Wabiga Shabelle laga cabsi qabo in uu ka geysto deegaanno ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sii-haya xilka Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu Biyo horleh keenay Wabiga Shabeelle, isla markaana laga cabsi qabo in uu ku fataho deegaanno hoostaga Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar.

Wasiir Xamze ayaa sheegay in roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay dhulka Buuraleyda ah ee Itoobiya ay keentay in Wabiga uu Biyo badan keeno, isla markaana taasi ay sababi karto fatahaado ka dhaca deegaannada uu maro Wabiga Shabeelle, isla markaana sababi karto dhimasho iyo burbur hantiyaded.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xamza Saciid Xamza ayaa ugu baaqay dadka ku nool hareeraha wabiga inay feejignaan muujiyaan kana fogaadaan.

Ugu dambeyn, Wabiga Shabeelle ayaa horay waxaa uu fatahaad uga geystay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana uu sababay inay kumanaan qoys barakacaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...