Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Maxaa ka ogtahay qodobbada ay ku heshiiyeen Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil?

Dubia (Halqaran.com) – Israa‘iil iyo dalka imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis si dib loogu soo celiyo xiriirka labada dhinac.

Israa’iil ayaa waxay aqbashay inay joojiso qorsheeda ay isku sii ballaarinayso qeybo ka mid ah daanta galbeed.

Bayaan la yaab lahaa ayaa waxaa uu madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump, oo heshiiskan gar-wadeen ka ahaa ayaa waxay dalalka heshiiska ku tilmaameen “mid taariikhi ah” iyo guul nabadeed.

Isra’iil ayaa wixii imika ka horeeyay aan wax xiriir ah la lahayn dalalka Carbeed ee gacanka.

Balse waxay Israa’iil iyo dalalkan wadaagaan walaaca ay ka qabaan Iiraan taasi oo sababtay in ay yeeshaan xiriir aan rasmi ahayn.

Hogaamiyayaasha Falastiiniyiinta ayaa la sheegay inay tallaabadani ay la yaab ku noqotay .

Afhayeen u hadlay madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbas ayaa heshiiskan ku tilmaamay ” khiyaano qaran “, islamarkana waxaa dib loogu yeeray safiirkii Falastiin u fadhiyay Imaaraadka.

Madaxwayne Trump ayaa heshiiskan u dhaxeeya rai’sul wasaare Netanyahu iyo boqorka Imaaraadka Mohammed Al Nahyan ku tilmaamay”waqti taariikhi ah “.

Waa heshiiskii saddexaad ee ay gaaraan israa’iil iyo Carabta tan iyo intii sanaddii1948, lagu dhawaaqay madaxbanaanida Israa’iil .

Maxaa lagu heshiiyay?

Toddobaadyada soo socda ayaa waxaa kulan yeelan doona ergooyiin ka kala socda Imaaraadka iyo Israa’iil si loo saxiixo heshiisyo laba geesood ah.

Heshiisyadan ayaa ah kuwa la xiriira maalgashiga,dalxiiska,duulimaadyo toos ah, ammaanka,isgaarsiinta, tiknoolajiyada, tamarta, caafimaadka, dhaqanka iyo deegaanka.

Waxaa sidoo kale ka mid ah in labada dhinac ay is waydaarsadaan safiiro.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay aqoonsiga ay Imaaraadak aqonsadeen Israa’iil inay ahayd “tallaabo geesinnimo leh “.

Sida looga falceliyay?

Rai’sul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay waxaa uuna sheegay in ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka nabadda bariga dhexe.

Madaxwaynaha Masar cabdul Fattah al-Sisi ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska, halka wasiirka arrimaha dibadda Urdun uu sheegay in heshiiskan uu gacan ka geysan doono in wadahadaladii istaagay al sii wado.

Xigasho – BBC Somali

@Halqaran.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...