Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo xariga ka jaray waddo cusub oo laga dhisayo Gaalkacyo +(SAWIRRO)

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu maanta xariga ka jaray waddo laami ah oo isku xirta Cagaarweyne ilaa hotel Five Star, taasoo dhawaan uu  dhagax dhigay Madaxweynaha Ppuntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Xarig jarka waddadaan laamiga ah oo lagu dhisay mashruuca nabadda iyo is-dhaxgalka Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka kala socday Puntland iyo Galmudug, masuuliyiinta gobalka iyo kuwa degmada Gaalkacyo ee laba dhinac iyo qaybo kamid ah saraakiisha ciidamada Ammaanka .

Ku-xigenka duqa degmada Gaalkacyo, CabdiramanMaxamed iyo guddoomiyaha Dagmada Galkacyo ee Puntland, Saahid Maxamed Cali ayaa xarig jarka kadib waxa ay warbixin ka siiyeen guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug mashariicda hormrineed ee ka socda magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug, Dr. Maxamed Nuur Gacal  ayaa kula dar-daarmay in bulshada labada dhinac ay ilaaliyaan nadaafada iyo bilicda waddooyinka, isagoo sidoo kale uga baaqay inay la shaqeeyaan laamaha Ammanka.

“Waxaan bulshada uga baaqayaa inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo sidoo kale inay ka shaqeeyaa nadaafada iyo bilicda waddooyinka, maadaama ay dhismayaasha waddooyinka ay soo kordhinayaan is-dhaxgalka bulshada iyo ganacsiga‘‘ ayuu yiri guddoomiye Maxamed Nuur Gacal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...