Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka soo dagay diyaarad siday illaalada gaarka ah ee madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland.
Illaalada oo ku hubeysnaa hubka noocyadiisa culus ayaa ka soo dagay garoonka xilli lagu wado in saacadaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni.
Deni ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya shirka wada tashiga arrimaha doorashooyinka oo maalmaha soo socda Muqdisho ka furmi doona.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





