Monday, March 16, 2026
29.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland oo warqadda aqoonsiga ka guddoomay wakiilka Imaaraatka Carabta

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Sabtidii maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee isutagga Imaaraatka Carabta usoo magacowday Somaliland.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu shaaciyay warkaas. “Iyadoo madaxweynaha qaranka Somaliland u sheegay wakiilka inuu soo gaaray dal iyo dad jecel walaalnimada iyo wadashaqeyn ay ku dheehantahay horumar iyo iskaashi dhexmara labada shacbi iyo labada dowladood” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraatka Carabta, bishii horre dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dalka Imaaraatka in uu wado isku dayo uu dalka kaga abuurayo qalalaase.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...