Jigjiga (Halqaran.com) – Waxaa magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya la gaarsiiyay tallaalka ka hortagga caabuqa Covid-19.
Tallaalkaan ayaa gaaraya 108,000 oo xabbo, waxaana saaka xarigga ka jaray madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar.
Waxaana tallaalkaan la siin doonaa shaqaalaha caafimaadka iyo dadka da’da ah, sida ay ku warrantay warbaahinta maamulka ee SRTV.
Qofkii ugu horreeyay ee tallaalka qaatay ayaa noqday madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





