DEG DEG: Ciidamada Somaliland oo la wareegay xarunta telefeshinka Horyaal ee Hargeysa, kadib markii uu baahiyay…

Hargeysa (Halqaran.com) – Warar goor-dhow na soo gaaray ayaa sheegaya, in ciidamada Somaliland gabal-dhacii maanta ay la wareegeen Xarunta Telefishinka Horyaal, oo fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa waxay Shaqaalaha Telefishinka Horyaal ku wargeliyeen inay isaga baxaan xaruntaasi, ka dib markii ay sheegeen inay haystaan warqad ay kula wareegayan xarunta.

Wararka ayaa sheegaya in Shaqaalaha Horyaaltv lagu wargeliyay inaanay wax qalab ahi ka qaadi karin goobtaasi, isla-markaana ay isaga baxaan iyagoo fara maran.

Bogga Telefishinka Horyaal ayaa lagu shaaciyay in Ciidamada ammaanka Somaliland ay la wareegeen Xarunta Dhexe Telefishinka ee Magaalada Hargeysa.

DAAWO MUUQAALLO KALE , Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:



Wararka ayaa intaa ku daraya in Maamulka Telefishinka Horyaal lagu haysto muuqaal video ahaa, oo toddobadkii hore laga baafiyay tv-ga, kaasoo ay ka soo muuqdeen dumar badan oo qayilaya. Muuqaalkan ayay bulshada reer Somaliland aad ugu dhalleeceeyen baraha bulshada.

Telefishinka Horyaal ayaa ka mid ah telefishinada madaxa-bannaan ee fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa.

Si kastaba, hay’adaha dhinaca warbaahinta ka shaqeeya ayaa sanadkan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in ay ku tacadineyso Saxaafadda xorta ah.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com