DAAWO SAWIRRO: Banaanbax looga soo horjeedo go’aanka DFS oo weli ka socda Kismaayo & Ciidanka Jubbaland oo ka…

Kismaayo (Halqaran.com) – Bannaanbaxa oo saakay ka bilowday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa weli ka sii soconaya magaalada, iyadoo bannaanbuxu uu weji kale yeeshay.

Bannaanbaxayaasha ayaa waxay ka cabanayan awaamiirtii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku soo rogtay diyaaradaha duulimaadyada ku tagga Magaalada Kismaayo, kuwaa oo ay ku amartay inay soo maraan Garoonka Aadan Cadde.

Qoraal ay Khamiistii soo saartay Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada oo la gaarsiiyay dhammaan diyaaradaha dalka ka hawlgala ayaa waxaa lagu sheegay marka ay taggayan iyo marka ay ka imaanayanba Magaalada Kismaayo, looga baahan yahay inay soo maraan Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxayaasha oo socod ku soo maray wadooyinka Magaalada Kismaayo ayaa isugu tagey Garoonka kubadda cagta ee Waamo, waxaana u yimid Ciidanka Baambeeda oo qalabkooda wata, muddo ka dibna waxay dib u bilaabeen socodkii ay ku marayeen waddooyinka magaalada.

Ciidamada Booliska Jubbaland oo bannaanbaxa ku soo biiray ayaa waxaa la arkayaa, iyagoo ku dhex jira dadweynaha bannaanbaxa ka sii wada magaalada.

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), qaybtooda Jubbaland ka hawlgala ayaa sidoo kale ku biiray bannaanbaxa, waxayna iyagu u muuqdan kuwo suggaya amniga bannaanbaxayaasha.

Bannaanbaxa oo markii hore dadweynaha uun ku koobnaa ayaa waxaa hadda si caadi ah uga qayb qaadanaya Ciidamada Maamulka Jubbaland qaarkood.

Dadweynaha isu soo baxa ka wada Magaalada Kismaayo ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ay ka mid yihiin (Federaalku fahan buu kaa rabaa, diyaarad joojin dowladnimo miyaa, go’doomin gobol guul miyaa iyo shacab la duleeyo guul miyaa).

Bannaanbaxa maanta ka soconaya Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya noociisii ugu ballaarnaa oo Magaalada Kismaayo ka dhaca, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Si kastaba, khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Somaliya iyo Maamulka Jubbaland oo weli taagan ayaa dhanka kale Dowladda Federaalka ay dhegaha ka fureysatay baaqii Khamiistii kaga yimid Axmed Madoobe, ee ahaa in ay labada dhinac wada hadlaan.

Xafiiska Halqaran.com, Kismaayo
Halqarannews@gmail.com