Wednesday, May 13, 2026
29.9 C
Mogadishu

Cumar Al-Bashiir oo mar kale ka soo muuqday maxkamad, eedeymihii loo jeediyayna ka jawaabay.

Khartum (Halqaran.com) – Garsoore maxkamadeed ayaa maanta si rasmi ah labada dacwadood oo midi tahay heysasho lacago qalaad oo sharci darro ah iyo musuq maasuq kusoo oogay madaxweynihi hore ee dalka Suudan Cumar al-Bashiir.

Mar uu ka jawaabayay su’aalo markii ugu horreysay maxkamadda lagu dhex weydiiyay ayuu Al Bashiir sheegay, inuu lacag dhan 25 milyan oo doollarka Mareykanka ah ka helay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, lacagaha kalana uu ka helay meelo kala duwan oo uusan carrabaabin.

Madaxweynihi hore ee Sudan ayaa isku difaacay in lacagahaasi uusan u adeegsan danahiisa gaarka ah.

Qareenka difaacaya Cumar Al Bashir, ayaa sheegay in kalyantigiisa uu beeniyay eedaha loo soo jeediyay, isla markaana uu dhageysiga maxkamadda labaad uu keeni doono marqaatiyaal.

Garsoorihi maxkamadda ayaa diiday codsi ah in dammiin lagu sii daayo Cumar Al Bashir.

Wuxuu maxkamadda ka sheegay in muddada xabsiga lagu sii heyn doono ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto 7-da bisha September.

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...