UPDATE: Maxaa ka ogtahay sababta ay DF Somaliya garoonka Aadan Cadde ugu xirtay Wasiirka Amniga ee Jubbaland!

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa waxaa Sabtidii maanta lagu xiray Magaalada Muqdisho, xilli uu ka mid Magaalada Kismaayo, kuna sii jeeday Magaalada Addis Ababa.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa waxaa lagala degay diyaaraddii uu la socday oo Transit ku ahayd Garoonka Aadan Cadde, ka dib markii ay diyaaradda kor u fuuleen Saraakiil Booliska Soomaaliya ka tirsan.

Saraakiisha oo Wasiirka u sheegay inay wareysi kooban la yeelanayan ayaa waxaa dhacday in soddon daqiiqo ka dib loo sheegay inaanu meelna u socon, shaqaalaha diyaaradana lagu wargelinayo inay safarkooda horey u sii wataan.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Wasiirka Amniga Jubbaland loo haysto dilka afar qof oo rayid ah afar sano ka hor loogu gaystay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ka dib markii lagala baxay xabsigii ay ku xirnaayen. Dadkaasi ayaa loo soo xiray tuhun ku aadan inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, inkastoo aan arrintaasi wax cadayn ahi loo hayn.

Xeer Ilaalinta ayaa eedeymo ku soo oogtay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirka Amniga Jubbaland, ka dib codsi kaga yimid Taliska Booliska Soomaaliya, oo ku aadanaa in ninkaasi ay soo eedeeyeen ehelada afartii ruux ee lagu dilay Degmada Doolow.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa bishii April warqad ay soo saartay kaga bari yeeshay Cabdirashiid Janan in wax lug ahi uu ku leeyahay eedeymihii loo soo jeediyay.

Tallaabada xilligan lagu xiray Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa waxaa loo arkaa mid qayb ka ah khilaafka xoogan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya kala dhaxeeya Maamulka Jubbaland.

Dhanka kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Magaalada Muqdisho ay ka socdaan daddaalo lagu doonayo in dib xoriyadiisa loogu siiyo Wasiirka Amniga Jubbaland, si aanay kaga sii darin khilaafka labada dhinac.

Arrintan waxay ku soo aadaysaa, xilli Dowladda Federaalka Somaliya ay Khamiistii soo saartay awaamiir ku aadan diyaaradaha tagga iyo kuwa kale ee ka imaanaya Magaalada Kismaayo, looga baahan yahay inay soo maraan Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com