Tuesday, June 16, 2026
26.6 C
Mogadishu

CCWarsame oo ka hadlay bannaanbixii ay ku baaqeen Midowga Musharraxiinta

Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha ayaa markale maanta baaq ka soo saaray bannaanbixii ay iclaamiyiin ee Jimcaha.

Banaanbaxa oo ka dhacaya Barxada Taalada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho ayaa Musharraxiinta waxaa ay sheegeen inay ay iyaga horkici doonaan.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharraxiinta ayaa Shacabka Muqdisho waxaa uu ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan banaanbaxaasi oo uu sheegay in uu yahay mid nabadeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka banaanbaxa uu yahay mid lagu doonayo xaquuqda dadka, islamarkaana muhiim ay tahay in dalkaan aan la oggolaan in qof si sharci darro ah uu dalka ku joogo.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaasi ku daraya,  in dowladda uu uga digayo inay banaanbaxaas hor-istaagaan, waxaana uu Bulshada u sheegay in kaliya ay ra’yigooda ku cabiraan, kaas oo ah in muddo ay dhibaatooyin ku heysay dowladda welina aysan aqbaleyn in lagu sii haayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...