Tuesday, June 16, 2026
26.6 C
Mogadishu

Shir Amniga ku saabsan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa Talaadadii maanta ka dhacay Shir ay kawada qeyb-galeen hay’adaha Amniga, Wasaaradda Amniga iyo maamulka magaalada.

Kulanka oo ka dhacay xarunta degmada ayaa waxaa shir guddoomiiyey wasiirka Amniga Gudaha Galmudug Mudane Axmed M. Fiqi, waxaana ka soo qeybgaley wasiiru Dawlaha wasaaradda amniga, Duqa caasimadda iyo ku xigeenkiisa dhanka amniga, taliyaasha Booliska iyo NISA ee Galmudug, iyo taliyaasha caasimadda ee ciidamada Booliska iyo nabadsugidda.

Waxaa diiradda lagu saaray kulanka xaqiijinta amniga caasimadda iyo deegaanada ku hareeraysan, la dagaalanka argagixisada, ka hortagga dadka xasilooni-darrada iyo qalqal-gelinta amniga caasimada ku lugta leh iyo koontoroolka hubka sharcidarrada ah ee caasimadda lagu dhex sito.

Kulankan ayaa daba socdey kulan uu madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaaroye uu shir guddoominayey xalay oo ka dhacay xafiiska madaxweynaha, kaasoo madaxweynuhu uu faray in amniga caasimadda iyo degmooyinka kale ee Galmudug la adkeeyo, hey’adaha amniguna ay dardargeliyaan shaqadooda ku aadan ilaalinta nabadgelyada deegaanada Galmudug.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyo in caasimadda Galmudug ay yeelato hal qorshe amni oo hay’ad walba kaalinta uga aadan ay qaadanayso, isla markaana ay jiri doonto isla xiaaabtan iyo koontorool joogto ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...