Baydhabo (Halqaran.com) – Guddiga Farsamo ee ku sugan shirka maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ayey suuragal tahay in ay ku dhawaaqaan go’aan ku saabsan arrimaha doorashada Soomaaliya, sida uu bidhaamiyay wasiirka Dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac.
Shir jaraa’id oo uu wasiirka ku qabtay magaalada Baydhabo ayuu ku sheegay in shirkooda uu socon doono ilaa saqda dhexe, kaddib maantana ay dib u sii wadayaan.
“Guddoon iyo guddi baan yeelannay, si wada oggol ah oo isu tanaasul ku dhisan ayaan go’aamadeenna u gaareynaa, shaqadana ilaa hadda si wadajir ah baan u wada wadnaa.
“Caawa ilaa kowda inaan shaqeyno ayaan rabnaa iyo barriba, waxaana ku rajo weyn nahay in ay howshu naga soo dhamaato oo dalkan uu doorasho wanaagsan oo si naad ah ku dhacda galo,” ayuu yidhi wasiirka.
Hadalkiisa ayaa laga dheehan karay in shirka uu yahay mid maanta laga filan karo go’aan.
Ugu dambeyn, mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladduse waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub.
Ilaa iyo hadda lama oga waqti ay doorashadu dhici doonto.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





