Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Axmed Madoobe iyo safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo ku kulmay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay kulan kula qaatay safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo heshiiskii doorashooyinka dhawaan ay madaxda Soomaalida ku gaareen magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa u mahadceliyay safiirka Itoobiya u fadhiya ee Soomaaliya sida ay u taageerayaan arrimaha Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixiyaan horumarka Soomaaliya

Sidoo kale Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in ay Itoobiya ay taageersan tahay heshiiska ay wada gaareen madaxda Soomaalida islamarkaana ay si weyn ula shaqeyn doonaan maamulka Jubbaland.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...