Monday, March 16, 2026
29.2 C
Mogadishu

Madaxweyne Biixi iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland oo maanta codkooda dhiibtay

Muqdisho (Halqaran.com) – Deegaanada Somaliland ayaa waxaa saaka ka bilaabatay codeynta doorashada golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka.

Dadweynaha ayaa saaka codkooda ka dhiibanayay xarumaha codbixinta oo gaaraya 2,709.

Waxaana kamid ah dadka codkooda dhiibtay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Cabdiraxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe, sidoo kale waxaa codkiisa dhiibtay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Magaalada Hargeysa waxaa ilaa shalay gaaray madax badan oo ka kala socota dalal iyo ururro kala geddisan, si ay ula socdaan habka doorashada ay u dhacayso, waxaana doorashadan isku diiwaangeliyay 1,065, 847 oo qof.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...