Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Midowga Musharraxiinta oo maanta RW Rooble u gudbinaya liis xasaasi ah

Muqdisho (Halqaran.com) –Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa la filayaa in Xukuumadda xilgaarsiinta u gudbiyaan Liiska xubnaha ku jira Guddigii lagu muransanaa ee labada heer ee doorashooyinka dalka oo horey cabasho looga soo gudbiyay.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Liiska xubnaha ay gudbin doonaan Musharaxiinta ay gaarayaan labaatameeyo ruux oo xubin ka ah Guddiyada oo lagu eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda iyo Nabadsugida.

Guddiga Musharaxiinta u qaabilsanaa turxaan bixinta guddigan oo shalay ku shiray Hotelka Jazeera ayaa isku waafaqay tirada iyo xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga, iyagoo laga doonayo inay caddeymo u keenaan.

Guddiga heerka Wasiir ee shalay uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa kasoo tala bixin doona cabashada laga keenay xubnaha ku jira Guddigii labada heer ee doorashooyinka dalka, iyagoona la wadaagi doona Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...