Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Askari dil u geystay qof shacab ah iyo banaanbax ka dhashay oo ka socda Jowhar

Jowhar (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in goordhaw askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dil halkaas ugu geystay qof shacab ah .

Askariga ayaa dilka geystay kadib markii uu muran xoogan dhex maray marxuumka la dilay iyo askariga, wararka ayaa sheegaya in qofka la dilay uu ahaa qof dhimirka looga jiro.

Warar ay Halqarannews heshay ayaa sidoo kale sheegaya in dilka uu dhacay xilli ay ciidamada ay ku jireen howl gal amni xaqiijin ah .

Dhanka kale banaanbaxyo looga soo hor jeedo dilka askariga uu u geystay qofka shacabka ah ayaa ka dhacay magaalada , iyadoo hadda ay maamulka magaalada ay ku baxeen shacabkii dhigayay banaanbaxa.

Inta badan waaberiga subaxa hore ayey ciidamada ku dhaqan magaalada caasimadda ah ee Jowhar ay sameeyaan howl gallo amniga lagu xaqiijinayo.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...