Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Nin gacantiisa kor u hayay in kabadan 45 sano!

India (Halqaran.com) – Ninkan ayaa gacantiisa kor u hayay in kabadan 45 sano, waa wax adag in la rumeysto, waxaan ku nool nahay duni aan seexano kuna soo toosno sheekooyin yaab leh. Sadhu Amar Bharati oo ah nin u dhashay waddanka Hindiya ayaa sheeganaya in uu gacantiisa midig kor u hayay muddo 45 sano ah isagoo u sababeeyay in uu iska jaro nolosha raaxada ah.

Gacantiisa kor u kacsan ayaa aad uga liidato tan kale, isagoona sheegay in uu la soo tacaalay xanuun aad u farabadan laakiin aakhirkii ay ka yaraatay, gacantiisa ayaana isku bedashay laf aan wax tar laheyn iyadoona farihiisa ay ku qalaleen calaacasha gacantiisa.

1970-kii ayuu ninkaan ka tagay shaqadiisa, xaaskiisa iyo saddex carruur ah  oo uu dhalay si uu ugu go’o cibaadada Hindus-ka, saddex sano kadib wuxuu dareemay in uusan weli iska jarin raaxada nolosha wuxuuna go’aansaday in uu gacantiisa sare u qaado si uu isaga jaro raaxada nolosha, sida laga soo xigtay The Mary Sue.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...