Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Faah faahin laga helayo shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Puntland

Puntland (Halqaran.com) – Shil gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Shilkaan ayaa waxaa uu yimid, ka gadaal markii gaari nooca dadweynaha raacaan ee loo yaqaano BL-da uu rogmaday, xili uu marayay goob laga wareejiyay Kantaroolka Galbeed ee Garoowe.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo dumar ah ayaa ku geeriyootay shilkaas dhacay, isla markaana waxaa ku dhaawacmay 5 qof oo kamid ah 10 ruux oo la socday gaariga shilka galay oo ka yimid dhinaca deegaanka Laacdheere.

Dad goob ka agdhawaa ayaa gurmad xoogan u sameeyay dadkii waxyeelada soo gaartay, kuwaasi oo si deg deg ah loo gaarsiisay isbitaalka weyn ee Garoowe, waxaana qof kamid ah dadkii dhaawacmay xaaladiisa tahay mid liidato.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in darawalkii waday gaariga shilka galay uu goobta ka cararay, waxaana la tilmaamay in booliska baadi goob ay sameeyeen lagu soo qabtay darawalkii waday gaariga.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...