Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Xaashi ayaa wada-hadal saacado badan qaatay oo dhinaca taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa dalka Pakistan, Sadiq Sanjrani.
Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya labada dal, gaar ahaan is-kaashiga dhinacyada baarlamaanka, si ay u yeeshaan wada shaqeyn toos ah.
Sidoo kale labada dhinac ayaa kulankooda kusoo hadal qaaday sidii kor loogu sii qaadi lahaa xoojinta xiriirka ay haatan leeyihiin wadamada Soomaaliya iyo Pakistan.
Intii uu socday wada-hadalka ayaa guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Pakistan, Sadiq wuxuu casuumaad rasmi ah u fidiyey dhiggiisa Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, si ay labada baarlamaan isku dhaafsadaan wufuud, iyagoo ka wada-hadlaya xiriirkooda.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dhankiisa aqbalay casuumaadda loo fidiyey, wuxuuna dhawaan booqasho rasmi ah ku tegi doonaa gudaha dalka Pakistan, isaga oo intaasi ku daray in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada baarlamaan, iyada oo laga duulaayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Pakistan.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





