Riyadh (Halqaran.com) – Dowladda Sacuudiga oo xayiraaddii socdaal ka qaaday 11 dal oo u badan reer galbeedka iyo Soomaaliya oo liiska cas kusii jirta.
Sacuudi Carabiya ayaa xayiraaddii ka qaaday 11 dal oo markii hore lagu soo rogay xayiraad ku saabsan faafitaanka noocyada kala duwan ee cudurka Coronavirus.
Muwaadiniinta dalalka Imaaraatka, Jarmalka, Mareykanka, Ireland, Talyaaniga, Boortaqiiska, Boqortooyada Midowday, Iswiidhan, Switzerland, Faransiiska iyo Japan ayaa loo ogolaaday inay galaan Boqortooyada iyagoo fulinaya xeerarka karantiilka.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee Sacuudiga (PHA), dalalkan waxaa la sheegay in ay muujiyeen in ay hoos u dhigeen halista COVID-19.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





