Al-Shabaab oo meel fagaaro ah ku toogtay nin ay ku eedeeyeen inuu kufsaday gabadhiisa

Saakow (Halqaran.com) – Ururka Al-Shaabab ee maamulo Degmada Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe ayaa xukun dil ahaa ku fuliyay galinkii dambe ee Jimcihii shalay nin ay ku eedeeyeen inuu kufsaday gabadhiisa.

Ibraahin Macallin Cabdulaahi, ayaa maxkamadda Maleeshiyaadka Al-Shabaab horteeda ka qirtay sida la sheegay falka lagu soo eedeeyay, wuxuuna sheegay in uu ahaa nin sixirka ku shaqeyn jiray.

Boqolaal ka mid ah shacabka Degmada Saakow ee Jubadda Dhexe ayaa meel fagaare ah ku daawanaayay qaabka uu u dhacay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay Ibraahim.

Magaalooyinka Ururka Al-Shabaab ay maamulaan, waxaa ka dhaca xukunno sidaan oo kala ah, waxayna tani cabsi badan ay ku abuurtaa dadka ku nool Magaalooyinkaas.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.comĀ