Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

Xarumaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho oo ammaankooda si aan horey loo arag loo adkeeyay

Muqdisho (Halqaran.com) –  Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka xarumaha Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho, kadib weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Dowladda hoose ee Maamulka Gobolka banaadir.

Magaaladda Muqdisho waxaa soo gaaray Jimcihii shalay Ciidamo ka tirsan kuwa illaaliya Xarumaha Qaramada Midoobay, kuwaasi oo tiradooda ay gaareyso 625 Askari.

Ciidankaasi ayaa waxaa lagu wareejiyay ammaanka Xarumaha Qaramada Midoobay, waxaana ay sii xoojiyeen Ciidamadii horay u joogay ee ammaanka sugayay.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Ururka Al-Shabaab ay sheegteen in weerarkii ka dhacay Xarunta Dowladda hoose loo maleegay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo saacado ka hor ka tagay Xarunta dowladda hoose.

Waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng. Yariisow, iyadoo ay ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...