Kismaayo (Halqaran.com) – Cabdi-rashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka, sidoo kalana kamid ah Musharixiinta Xilka jubbaland, ayaa sheegay in Musharixiinta Jubbaland aysan ka qeyb gali doonin Doorashadda ka dhaceysa Kismaayo.
Mar uu la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay in musharaxiinta ay diideen jadwalka uu soo saaray guddiga doorashada Jubbaland ee ku aadan Odayaasha Dhaqanka ee la sheegay inay soo xulayan Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.
Sidoo kale, waxa uu sheegay, odayaasha Dhaqanka ee guddigu uu soo magacaabay in aanay ahayn kuwii saxda ahaa ee matalaayay beelaha degga saddexda gobol ee Jubbaland.
Xildhibaan Xidig ayaa ku eedeeyay Guddiga doorashadda maamulka Jubbaland in ay yihiin kuwa garab siinaya Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Axmed Madoobe.
”Waxaan rabnaa 15-ka bisha August 2019 inaysan na dhaafin Doorashada Madaxweynenimo, laakiin waxaanu rabnaa in doorashada dariiqeedii lagu soo celiyo, cid kastaa oo faraha kula jirtana, inay faraha hakala baxdo.” Ayuu yiri Cabdirashiid Xidig
Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay Mr. Xidig, ”Xildhibaan Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Guddiga Doorashada waa guddi la sameeyay, si kastaba halagu sameeyee diyaar baanu u nahay inay doorashada hogaamiyaan, laakiin falkii ugu dambeeyay ay ku dhaqaaqeen waa wax aan la aqbali karin.”.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com