Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo ka hadashay sababta ay u dileen Gen. Galaal

Muqdisho (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka koowaad ee weerarkii lagu qaaday Hoteel Afrik uu ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii shaley ku dhintay weerar qarax ku bilowday.

Al-Shabaab ayaa sheegtay, in General Galaal ay u heysteen weerarro horey Al-Shabaab loogu qaaday oo uu ka mid ahaa duqeyntii lagu dilay Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa ninkii aasaasay Al-Shabaab, islamarkaana ay ku raadjoogeen muddo 13 sano ah.

“Galaal ayaa muddo dheer waxaa uu ahaa nin u heellan loona soo carbiyay la dagaalanka ku dhaqanka Shareecada Islaamka, waxaa uu aqoontiisa iyo khibradiisa dhanka sirdoonka ciidamada ah u adeegsan jiray inuu kula dagaalamo Mujaahidiinta. Waxaa uu ku lug lahaa hagardaamooyin dhawr ah oo ay gaaladu ku dileen rag Mujaahidiin ah. Waxaa raggaas kamid ahaa Macalim Aadan Xaashi Cayrow, kaas oo ku shahiiday duqayn ay Maraykanku ka geysteen Magaalada Dhuusamareeb bishii May 2008-dii” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Ururka Al-Shabaab.

Kowdii bishii May ee sanadkii 2008-dii ayaa Aadan Xaashi Ceyrow uu Mareykanka ku dilay duqeyn laga fuliyay Dhuusamareeb.

Sidoo kale, waxa ay sheegeen, in Generaal Galaal uu soo abaabulay ciidankii Ahlu Sunna ee Al-Shabaab kula dagaallamay gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...