Saturday, May 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxda Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo qeybaha bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galaya shirka wadatashiga hannaanka doorashooyinka ee dhowaan ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka oo uu saldhig u yahay heshiisyadii la gaaray ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...