Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in 9-ka bishan xukuumadiisu Baarlamaanka horgeyneyso Warbixinta guud ee dalka.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya oo saddex bilood jirsatay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka horgeenayo waxyaabihii u qabsoomay 9-ka Bishaan oo ku beegan Maalin ka kadib markii uu dhammaado mudada xil-heynta Madaxweyne Farmaajo.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaliyeed inay ka feejignadaana cadawga gudaha iyo kan dibadda isku meelna ay uga soo wda jeestaan.
17-kii Bishii Setember ee sanadkii la soo dhaafay ee 2020 ayaa waxaa Maxamed Xuseen Rooble loo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana Baarlamaanka ay ansixiyeen 23-kii isla Bishii Setember ee isla sanadka 2020.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





