Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa magacaabay Guddiga Isu keenista Madaxda Labada Heer dowladeed ee Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, kaddib war-saxaafadeed uu xalay soo saaray.
Guddigan ayaa ka shaqeyn doona isu keenista Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyagoo diyaarin doona shir looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hab iyo hannaan raali la isaga yahay oo doorashada lagu galo.
Xubnaha Guddigaan oo ka kooban 9 xubnood waxa ku jira Guddoomiyuhu, Senator C/raxmaan Faroole, Senator C/risaaq Jurile, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow, Senator Xuseen Sheekh Maxamed, Senator Cusmaan Dufle, Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Senator C/llaahi Cabdi Garuun iyo Senator Muxiyaddiin Sheekh Cali Jaamac.
Haddaba halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com