Tuesday, June 23, 2026
26.9 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ku qaaday bar-kontorool oo ku taalla Balcad

Afgooye (Halqaran.com) – Sida wararka nagu soo gaarayaan, Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday bar koontorool oo Ciidamo ka tirsan Dowladda ka ilaaliyaan degmada Balcad taas oo ku taalla wadada la timaada dhinaca degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya, in dagaal muddo kooban socday uu halkaasi ka dhacay, waxaana ku dhintay hal askari, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka deegaanka oo ayaa mareegta Halqaran.com u sheegay, in dagaalka uu socday Muddo daqiiqo ah, islamarkaana ay maqlaaayeen rasaas labo dhinac ay is-weydaarsanaayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in ciidamo gurmad ah u yimid ciidanka dowladda. Rasaas goos-goos ah ayaa laga maqlayaa waddada ka timaada dhanka Afgooye oo uu howlgal ka socda.

Ugu dambeyn, ciidanka Booliska ayaa howlgal ka wadda Xaafaddaha ay ka kooban tahay degmada Balcad, waxaana sidoo kale ay ku sugan yihiin Waddooyinka laga soo galo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...