Friday, June 5, 2026
26.7 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo, RW Kheyre iyo Guddoomiye Mursal oo u ambabaxay Jabuuti +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qeyb galayaan wadahadallada DF Soomaaliya iyo Somaliland.

Wada hadalkaan ayaa waxaa marti galiyay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana isa soo hor fariisan doonaa madaxda Somaliland iyo Dowladda Federalka Soomaaliya.

Somaliland Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ayaa wada-hadaladooda in muddo ah hakad ku jiray, waxaana la filayaa in maanta gelinka dambe Shirka uu ka bilowdo dalka Jabuuti.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...