Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

AKHRISO: Baarlamaanka Puntland oo ka hor yimid sharciyadii uu meel mariyay BF Somaliya

AKHRISO: Baarlamaanka Puntland oo go’aan cad ka soo saaray sharciyadii uu meel mariyay BF Somaliya

Garowe (Halqaran.com) – Xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garowe ayaa kaga hadlay arrimaha doorashooyinka, go’aankii matalaadda gobolka Banaadir iyo xeerar kale oo ay ansixiyeen xildhibaannada golaha shacabka.

Baarlamaanka Puntland oo war-saxaafadeed soo saaray kulanka kaddib ayaa kaga soo horjeestay xilligaan in dalka aan laga qaban karin doorasho qof iyo cod, isla markaana aysan suuragal aheyn arrimaha ku xeendaaban muddo kordhinta Guddiga Doorashada.

Sidoo kale Baarlamaanka Puntland ayaa ka horyimid Matalaadda 13-ka Kursi ee lagu kordhiyay Aqalka Sare ee dalka iyo sidoo kale hannaanka loo maray qoondada haweenka ee 30%.

Puntland ayaa sida muuqata aad uga carootay Matalaada Aqalka Sare laga siiyay Gobolka Banaadir, waana midda keentay go’aanka deg-dega inay soo saaraan maanta.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka iyo go’aannada:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...