Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Senator Faroole: ‘‘Farmaajo si cad ayuu u jebiyay dastuurkii, dalkiina god buu ku sii wadaa”

Garowe (Halqaran.com) – Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay go’aankii Baarlamaanka ku ansixiyay matalaaddii Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir.

Senator Faroole oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa marka hore sheegay in uu ka xun yahay ansixinta Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare.

Waxaa uu sheegay in ansixinta Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare uu yahay mid ka baxsan Dastuurka Qaranka uu leeyahay, sida uu yiri.

Senator Faroole ayaa waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku eedeeyay inay iska kaashadeen meel-marinta Xeerka Matalaadda ee Gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay Faroole in Madaxweyne Farmaajo uu si cad u jebiyay Dastuurkii iyo Shuruucdii dalka, ee lagu soo doortay, isla-markaana uu hareer-maray wixii ay shacabka Soomaaliyeed heshiiska ku ahaayeen, dalkiina uu ku sii ridayo god dheer.

“Dalkii god buu ku socdaa, madaxweynihii dastuurka loo xil saaray inuu difaaco baa godka ku riday, wuxuuna kula shiraakoobay sharci darada hoggaanka Golaha Shacabka.”ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Faroole uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu kula taliyay inaanu Magaalada Muqdisho kaga qaybgelin Shirka Amniga Qaranka, oo lagu wado in magaalada ka qabsoomo inta u dhaxeyso 5-ta illaa 8-da bisha soo socoto ee Luulyo.

Si kastaba ha’ahaatee, dowlad goboleedka Puntland ayaa hormuud u ah ololaha lagu diidan yahay in Gobolka Banaadir uu markii ugu horeysay uu matalaad ku yeesho Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...