Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday Saldhig ciidanka Milateriga ku lahaayeen…

Baladweyne (Halqaran.com) – Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Shabaab ayaa xalay weeraray Saldhig Ciidamada Militariga Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Weerarkaan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa Al-Shabaab waxa ay la beegsadeen Saldhiga Ciidamada Militariga ee ku yaallo halka loo yaqaan Bacaadaha oo ku taallo Xaafadda Hawlwadaag.

Ugu yaraan saacad ayuu socday dagaalka oo dhinacyada isku adeegsanayeen hub kala duwan, waxaana dagaalka ka qayb qaatay Ciidamada Jabuuti oo ridaayay hub culus oo laga maqlay guud ahaan Magaalada Baladweyne.

Lama oga ilaa iyo hadda inta uu la eg yahay Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay dagaalkaasi xalay Magaalada Baladweyne ku dhexmaray Maleeshiyada Al- Shabaab iyo Militariga Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa xilliyada habeenkii weeraro gaadmo ah waxa ay ku qaadaan Saldhigyada ay degan yihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya íyo kuwa Amisom.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa subixii Talaadada maanta ah ku dhaqaaqay duleedka Magaalada Baladweyne si ay u baadigoobaan raadadka xubnaha Al-Shabaab ka tirsan ee xalay weerarka soo qaaday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...