Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

UPDATE: Weriye Cabdi Maalik Coldoon oo maanta Kiiskiisa la go’aamiyay (Maxaa Cusub?)

Weriye Cabdi Maalik Coldoon

Hargeysa (Halqaran.com) – Maxkamdda Racfaanka Gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa Axaddii maanta go‘aan ka gaartay kiiska Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo muddooyinkii dambe xirnaay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa ayiday xukunkii hore loogu riday Cabdi Maalik oo ahaay Xarig Saddex Sano.

Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa la hor keenay Maxkamadda Racfaanka Magaalada Hargaysa, waxaana la sheegay maxkamadda inaysan joogin ehelkiisa iyo qareenkii difaacayay.

Maxkamadda waxa ay shaacisay inay ayiday xukunkii hore lagu riday Weriye Cabdi Maalik, sidaasina uu ku soo dhammeysan doono xabsiga waqtiga lagu xukumay.

Weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa xilligii la xiraayay waxaa loo soo jeediyay eedeymo kala duwan oo ku saabsan jiritaanka Somaliland.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...