Wednesday, January 14, 2026
28.9 C
Mogadishu

Donald Trump oo Afka furtay, sheegayna inay qatar halis ah soo foodsaartay Mareykanka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump /Photo: AFP

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanka ay soo wajahday “khatar aan horay loo arag” ayadoo uu isa soo tarayo cadaadiska uga imaanaya dhanka xisbiga dimuquraadiga ah oo wada baadhitaan lagu doonayo in xilka looga tuuro.

Muuqaal uu ku faafiyey bartiisa twitter-ka, ayaa Trump wuxuu ku sheegay in xisbiga Dimuquraadigu ay u soo dhigteen “xurriyadiisa asaasiga” ah, asagoo tilmaamay in sababta ay u bartilmaameedanayaan ay tahay in uu u halgamayo dadka Maraykanka ah.

Golaha wakiillada ee uu ku xooggan yahay xisbiga Dimuquraadigu, ayaa bilaabay tallaabooyin su’aalo lagu waydiinayo Trump kaddib markii ay soo bexeen eedaymo sheegaya in uu awooddiisa ku takri falay.

Trump ayaa beeniyey eedaymahaas loo jeediyey, asagoo sheegay in dadka ka soo horjeeda ay wadaan ol’ole asaga ka dhan ah si ay u gaaraan danahooda gaarka ah.

Trump ayaa lagu tuhunsan yahay in dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelinsky uu cadaadis ku saaray in uu sameeyo baadhitaan lagu xaqiijinay in Joe Biden uu Trump kula tartami doon doorashooyinka madaxtinimada.

Madaxda guddiyada saddexda ah ee Golaka Wakiillada ayaa amar ku siiyey Xooghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo in uu soo gudbiyo qoraallada xidhiidhka la leh kiiskaan.

Dhanka kale, Trump ayaa sheegay in Joe Biden, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii maamulkii Barack Obama, uu Garyaqaanka Guud ee Ukraine cadaadis ku saaray in uu is casilo sannadkii 2016 si Joe Biden uu u ilaashado sharikad uu wiilkiisa Hunter Biden uu ka shaqaynayey. Basle Trump ma soo bandhigin wax caddayn ah oo arrintaas ku saabsan.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in ay adag tahay in madaxweyne Trump xilka laga tuuro xataa haddii golaha wakiilladdu ay tallaabadan taageeraan, waayo xisbiga Jamhuuriga ayaa aqlabiyad ku leh golaha Senate-ka.

Xigasho – BBC

Xafiiska Halqaran.com, Nairobi
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...