Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

WAR DEG DEG: Qarax khasaare geystay oo Ciidamada AMISOM lagula eegtay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa qarax miino goor-dhow lagula eegtay magaalada Muqdisho, kolonyo ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM, wuxuuna qaraxaasi geystay khasaare.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada AMISOM ayaa qaraxaan waxaa lagula eegtay inta u dhaxeysa Isgoyska SOS iyo Ex Control Balcad halkaasi oo Qaraxa lagu aasay.

Qaraxa oo ahaay miino ayaa wuxuu qabsaday gaari ka mid ah gaadiidka qafulan ee ay isticmaalaan Ciidamada AMISOM oo waxyeelo ay soo gaartay.

Qaraxa markii uu dhacay kadib Ciidamada AMISOM waxa ay fureen rasaas fara badan oo jihooyinka ay u rideen, waxaana taasi ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay rasaastaasi, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Ilaa iyo hadda lama oga in Ciidamada AMISOM uu soo gaaray khasaare nafeed, balse gaariga Qaraxa uu qabsaday ayaa waxaa la sheegay inuu bur buray.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...