Monday, July 13, 2026
27.1 C
Mogadishu

Faah-faahin iyo wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay gobolka Baay

Diinsoor (Halqaran.com) – Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada DF Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa waxa uu dhacay kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen Saldhiga Ciidamada ay ku leeyihiin degmada Diiinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsday hubka noocyadiisa kala duwan.

Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Diinsoor ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan weli kala cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana Khasaaro ay gaarsiiyeen.

Dhowr jeer ayay Al-Shabaab weerareen degmada Diinsoor oo kamid ah deegaannada hoostaga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaas oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray Ciidamada DFS iyo Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...