Saturday, May 2, 2026
29 C
Mogadishu

Mareykanka oo markale sheegay in cunaqabateyn lagu soo rogi doono madaxda Soomaalida

Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay walaac xoogan ka muujinayso isku dhacyadii rabshadaha watay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo u dhexeeya ciidanka DFS iyo ciidamo daacad u ah xubnaha mucaaradka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa dhammaan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ugu baaqday in ay is xakameeyaan, islamarkaana si nabad ah ku xalliyaan muranka u dhexeeya.

“Wadahadal iyo is afgarad waa dariiqooyinka kaliya ee lagu xallin karo caqabadaha doorashada, waxaana ku boorineynaa dhinacyada in ay dib u bilaabaan wadahadalada hal mar si loo gaaro wadadii lagu heshiiyey ee horey loogu mari lahaa doorashooyinka degdega ah”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa mar kale madaxda Soomaalida ugu hanjabtay cunaqabatayn iyo xayiraado, haddii laga baaqsan waayo rabshadaha Muqdisho, sida lagu sheegey war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

“Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tixgaliyo dhammaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Mareykanka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...