Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Barakac ayaa ka billowday xaafado ku yaalla degmada Hodan

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaar ka mid ah dadka ku nool Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa billaabay inay ka barakacaan guryahooda,iyagoo ka cabsi qaba in korkooda lagu dul dagaalamo.

Waxaa la arkayay Hooyooyin iyo Carruur iyagoo korka ku sita Alaab yar oo ay ka qaateen guryahooda oo nabad ay ku daganaayeen wixii ka horeeyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamo ka soo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Farmaajo ay fariisimo ka sameysteen Xaafadda Siigaale ee degmada Hodan.

Qaar ka mid ah dadka aroortii hore ka barakacay ayaa sheegay in jawi cabsi ah laga dareemayo xaafadahooda, waxay sheegeen in xaafadaha ay deganaayeen dhufeysyo laga sameystay

Aaggaga dhufeysyada laga qoday waxaa kamid ah xaafado ku yaalla degmooyinka Hodan, Hawlwadaag iyo Cabdicasiis, waxana lagu arkayaa rag aad u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka.

Dad badan oo ka barakacay guryahooda oo miciin bidey xaafado kale ayaa weli wadnaha farta ku haya iyadoo ay jirto cabsi la xiriirta in markale uu dagaal bilowdo.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...