Michigan (Halqaran.com) – Sannad kaddib markii uu wax walba ku waayay fatahaado, nin ka soo jeeda gobolka Michigan ayaa ku guuleystay 2 milyan oo doolar, lacagtaas oo uu ku helay bakhtiyaanasiib.
Ninkaan 29 jirka ah, oo go’aansaday in aan la shaacin magaciisa, ayaa tikitka ka iibsaday dukaan raashiinka lagu iibiyo oo ku yaalla Midland.
“Sanadkii la soo dhaafay wax walba waxaan ku waayay fatahaado, sidaa darteed inaan ku guuleysto lacagtaan waa mid aad iigu weyn.” Ayuu yiri ninkan.
Ninkaan ayaa doortay in uu lacagtiisa helo hal mar, taas oo ah qiyaastii 2 milyan oo doolar.
Ninkaan ma ahan markii ugu horreysay oo uu ku guuleysto bakhtiyaanasiib. “Sanado ka hor, waxaan ku guuleystay $10,000 waxaana moodayey in ay tahay nasiibkii ugu weynaa ee soo mara nolosheyda.” Ayuu yiri ninkaan oo qariyay magaciisa.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





