Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha ayaa markale maanta baaq ka soo saaray bannaanbixii ay iclaamiyiin ee Jimcaha.
Banaanbaxa oo ka dhacaya Barxada Taalada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho ayaa Musharraxiinta waxaa ay sheegeen inay ay iyaga horkici doonaan.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharraxiinta ayaa Shacabka Muqdisho waxaa uu ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan banaanbaxaasi oo uu sheegay in uu yahay mid nabadeed.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka banaanbaxa uu yahay mid lagu doonayo xaquuqda dadka, islamarkaana muhiim ay tahay in dalkaan aan la oggolaan in qof si sharci darro ah uu dalka ku joogo.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaasi ku daraya, in dowladda uu uga digayo inay banaanbaxaas hor-istaagaan, waxaana uu Bulshada u sheegay in kaliya ay ra’yigooda ku cabiraan, kaas oo ah in muddo ay dhibaatooyin ku heysay dowladda welina aysan aqbaleyn in lagu sii haayo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





