Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

XOG LA HELAY: Ciidamo ka amar qaata Axmed Madoobe oo caawa go’doomiyay Musharrax Cabdirashiid Xiddig!

Kismaayo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya caawa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland oo ka amar qaata Axmed Madoobe ay caawa waqti kooban go’doomiyey Musharrax Cabdirashiid Maxamed Xiddig.

Goob-joogayaal ayaa ku soo warramaya in Ciidamo hubeysan ay tageen guriga Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig, islamarkaana isku hareereeyay saacado markii ay joogeenna isaga tagay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa in ciidamada Jubbaland ay go’doomiyaan guriga Musharrax Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah Musharraxiinta mucaaradka ku ah hoggaamiye Axmed Madoobe.

Waxaa Khamiista berrito ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 22-ka bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ka dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee Jubbaland, walow wali ay taagan tahay xiisad u dhaxeyso musharraxiinta mucaaradka ah iyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...