Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE: AKHRI: Beesha Caalamka oo Warkii ugu dambeeyay ka soo saaray Doorashadda Jubbaland

Muqdisho (Halqaran.com) – Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen qaar kamid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ururo sida Canada, Ethiopia, European Union, Finland, Germany, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM,IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa markale ku baaqay in doorashada Jubbaland ay noqoto mid loo dhan yahay.

Hoose ka Akhriso Go’aanka Beesha Caalamka:

”Iyada oo loo danaynayo kobcinta xasilloonida iyo dhowrista midnimada ka dhex jirta bulshooyinka Jubaland, la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya (Kanada, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], Urur-goboleedka IGAD [UN] iyo Qaramada Midoobay] ayaa ku hawlgeliyey dhammaan daneeyayaasha Jubbooyinka inay ku dhiirrigeliyaan inay heshiis ka gaaraan hal geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, cadaalad iyo nabad ah.

Waxaan ka walaacsanahay maqnaanshaha heshiis noocaas ah iyo  suuragalnimada degganaan la’aanta iyo kala qaybsanaanta ka jirta Jubaland ay si weyn u kordhayso.

Kahor doorashada la qorsheeyay 22ka Augut 2019, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha in ay ka fogaadaan ficil kasta oo sababi kara rabshado.

Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada AMISOM ay ku abuureyso deegaan aamin ah oo ka jira Jubbooyinka, waxaanan dhiirigelineynaa isku xirnaanta ciidamada dhulka jooga. Waxaan ku boorineynaa dhammaan daneeyayaasha in ay la shaqeeyaan hanaan dowladnimo.

Joogtaynta nabadda iyo xasilloonida Jubaland ayaa muhiim u ah oo keliya dadka dowlad-goboleedkan Federaalka ah laakiin sidoo kale waa in la suuro galiyaa horumar dheeraad ah oo ahmiyadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...