Sunday, May 31, 2026
26.9 C
Mogadishu

Maxay Qaramada Midoobey ka tiri Shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug? + (Ogow Cusub)!

Muqdisho (Halqaran.com) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan  ayaa boggaadiyay dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ka socda degaananda maamulka Galmudug, waxaana uu sheegay in ay tahay tilaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

Swan ayaa sheegay in xubnaha maamulka Galmudug iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya uu ugu baaqayo in la gaaro heshiis dhab ah oo horseedi kara in guud ahaan lasoo Afjaro dhibaatooyinka ka jira degaanada maamulka Galmudug.

Sidoo kale, waxa uu sheegaya in Qaramada Midoobey ay taageero ku bixinayso in doorasho Xalaal ah ay ka dhacdo degaanada maamulka Galmudug markii uu soo dhamaado Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmdug.

”Geeddi-socodka doorashooyinka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka si dhaw ayaan ula soconaynaa, horumar ayaa ka jira Galmudug halkaasoo ay gacan ka heyso Dowladda Federaalka ah waa Mid wanaagsan , waxaa shaqeynaya Guddiga dib u heshiisiinta waana dhiirigelinaynaa dadaalkan”, ayuu yiri Mr. Swan.

Ugu dambeyn, Swan ayaa ku baaqay in la gaaro heshiis guud oo ku saleysan geedi socodka doorashada Galmudug si looga fakaado dhibaatooyin ka dhasha doorashadda maamulka Galmudug.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...